SEARCH DATABASE
The Global Gender Equality Constitutional Database is a repository of gender equality related provisions in 194 constitutions from around the world. The Database was updated in partnership with the International Bar Association's Human Rights Institute (IBAHRI) and with support from the Swedish International Development Agency (SIDA) and the Government of Japan. Experience its wealth and depth of information by starting your search now.
Public Institutions and Services
- EnglishThe civil service at all levels of government is a pledge to serve the people and shall be based on the values of the constitution, compassion, transparency, community service, respect for administrative hierarchy, obedience, confidentiality, work ethics, efficiency, effectiveness, professionalism protect principles of fairness, equality and best practices. (Art. 115)
- SomaliShaqada rayidka ee heerarka kala duwan ee xukuumadda waa amaano ummadda loogu adeego waana in ay ku saleeysnaataa qiyamka Dastuurka, naxariis, daahfurnaan, u-adeegga bulshada iyo dhawrista ku kala dambeynta darajooyinka maamul, dhegonugayl, sirxajin, asluub-wanaag shaqo, howlkarnimo, waxa-ku-ool ah, mihnadyahannimo, dhawrista Mabaadi’da caadaaladda, sinnaan iyo habka xilgudashada ugu habboon. (Qodobka 115aad.)
Sexual and Reproductive Rights
- English…
(5) Abortion is contrary to Shari'ah and is prohibited except in cases of necessity, especially to save the life of the mother. (Art. 15) - Somali…
(5) Soo rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjeedda Shareecada Islaamka, waana reebban tahay, haddii aan ka ahayn xaalad caafimaad aan looga maarmin badbaadinta nolosha hooyada. (Qodobka 15aad)
Status of the Constitution
- English(1) In Islam, justice requires a balance of rights and duties.
(2) The exercise of equality, freedoms, and other rights is inseparable from duties. Accordingly, it is the duty of each citizen:
…
(f) To become acquainted with the provisions of the Constitution and to uphold and defend the Constitution and the law of the country;
… (Art. 42) - Somali(1) Sida Diinta Islaamku qabto, caddaaladda waxay ku jirtaa isu-dheellitirnaanta xuquuqda iyo waajibaadka.
(2) Ku-dhaqanka sinnaanta, xorriyaadka iyo xuquuqda lagama sooci karo waajibaadka. Sidaas darteed, muwaaddin kasta waxaa waajib ku ah in uu:
...
(f) noqdo qof aqoon u leh qodobbada Dastuurka, si daacad ahna uu u taageero, una difaaco Dastuurka iyo shuruucda dalka;
... (Qodobka 42aad.)
Status of the Constitution
- English(1) After the Shari’ah, the Constitution of the Federal Republic of Somalia is the supreme law of the country. It binds the government and guides policy initiatives and decisions in all sections of government.
(2) Any law, or administrative action that is contrary to the Constitution may be invalidated by the Constitutional Court, which has the authority to do so in accordance with this Constitution. (Art. 4) - Somali(1) Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan.
(2) Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaas ama tallaabadaas maamul, si waafaqsan Dastuurkan. (Qodobka 4aad.)
Status of International Law
- English(1) When interpreting the rights set out in this Chapter9, a court shall take an approach that seeks to achieve the purposes of the rights and the values that underlie them.
(2) In interpreting these rights, the court may consider the Shari'ah, international law, and decisions of courts in other countries, though it is not bound to follow these decisions.
… (Art. 40) - Somali(1) Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan qaybtan waa in maxkamaddu ay raadiso qeexidda ujeeddooyinka laga leeyahay xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin.
(2) Fasiraadda xuquuqdan waxay maxkamaddu tixgelineysaa Shareecada, qaanuunka caalamiga ah iyo go’aannada maxkamadaha dalal kale, inkasta oo ayan qasab ku ahayn inay raacdo go’aannadooda.
… (Qodobka 40aad.)
Status of International Law
- English...
(4) The Constitution of the Federal Republic of Somalia promotes human rights, the rule of law, general standards of international law, justice, participatory consultative and inclusive government, the separation of powers between the legislature, executive and an independent judiciary, in order to ensure accountability, efficiency and responsiveness to the interests of the people.
… (Art. 3) - Somali...
(4) Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirri-gelinayaa xuquuqda Aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.
… (Qodobka 3aad.)
Status of International Law
- EnglishUntil the treaty imposing a treaty obligation in effect on the date that this Constitution comes into force expires or is amended, that treaty obligation remains in effect. (Art. 140)
- SomaliInta heshiiska wax waajibinaya ee jirey taariikhda uu Dastuurkan dhaqan gelayo uu waqtigiisu dhacayo ama wax laga beddelayo, waajibka heshiiskaa ka dhashey sidiisa ayuu u jirayaa. (Qodobka 140aad.)
Status of International Law
- English…
(2) In accordance with the Constitution, the Human Rights Commission shall have powers to perform the following functions:
…
(d) To educate the public and state officials on international standards relating to human rights.
… (Art. 111B) - Somali...
(2) Guddiga Xuquuqdda Aadmiga: Iyadoo la tixraacayo Dastuurka, Guddiga Xuquuqda Aadmiga, wuxuu yeelahanayaa awood uu ku fuliyo hawlahan:
…
(d) Inay cilmi wacyi gelin u sameeyaan dadweynaha iyo saraakiisha xukuumadda heerarka caalamiga ah ee ku saabsan xuquuqdda aadmiga.
… (Qodobka 111 B.)
Jurisdiction and Access
- English
(1) Legislation that has been passed in accordance with the legislative procedure, as stipulated in this Chapter3, may be challenged only if it is alleged to contradict the Constitution.
(2) Legislation that has been passed in accordance with the legislative procedure, as stipulated in this Chapter, may be challenged by:
(a) All members of the Upper House of the Federal Parliament or one representative of a Federal Member State;
(b) A third of the members of the House of the People of the Federal Parliament;
(c) The Council of Ministers of the Federal Republic of Somalia; or
(d) Ten thousand (10,000) or more registered voters.
(3) Legislation that has been challenged, in accordance with Clause 1 and 2 of this Article, must be presented to, and decided upon, only by the Constitutional Court.
… (Art. 86) - Somali
(1) Sharci maray habraaca ansixinta sharciyada iyo dhaqangeliddaba waxaa lagu duri karaa oo keliya inuu ka soo horjeedo Dastuurka.
(2) Sharci maray shuruudaha ku xusan cutubkan waxaa duri kara:
(a) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, asagoo isu dhan ama ergo hal Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ka mid ah;
(b) Saddax meelood meel ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka;
(c) Golaha Wasiirrada Federaalka;
(d) Ugu yaraan 10,000(toban kun) oo cod bixiye oo diiwaangashan.
(3) Duridda sharci si waafaqsan faqradaha 1 iyo 2 ee qodobkan waxaa la horgeyn karaa go’aanna ka gaari karta Maxkamadda Dastuuriga ah oo keliya.
… (Qodobka 86aad.)
Jurisdiction and Access
- English(1) After the Shari’ah, the Constitution of the Federal Republic of Somalia is the supreme law of the country. It binds the government and guides policy initiatives and decisions in all sections of government.
(2) Any law, or administrative action that is contrary to the Constitution may be invalidated by the Constitutional Court, which has the authority to do so in accordance with this Constitution. (Art. 4) - Somali(1) Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan.
(2) Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaas ama tallaabadaas maamul, si waafaqsan Dastuurkan. (Qodobka 4aad.)