SEARCH DATABASE
The Global Gender Equality Constitutional Database is a repository of gender equality related provisions in 194 constitutions from around the world. The Database was updated in partnership with the International Bar Association's Human Rights Institute (IBAHRI) and with support from the Swedish International Development Agency (SIDA) and the Government of Japan. Experience its wealth and depth of information by starting your search now.
Judicial Protection
- English
(1) The law shall provide for adequate procedures for redress of violations of human rights.
(2) Redress of violations of human rights must be available in courts that the people can readily access.
(3) A person or organization may go to court to protect the rights of others who are unable to do so for themselves. (Art. 39) - Somali
(1) Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu saxayo xadgudubyada xaquuqda Aadanaha.
(2) Sixidda xadgudubyadaas waa in lagu helaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan.
(3) Qof ama urur kastaa wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda dadka kale ee aan awoodin in ay iskood isu difaacaan. (Qodobka 39aad.)
National Human Rights Bodies
- English(1) There shall be a Human Rights Commissions that shall be mandated to:
(a) Promote respect of human rights, and the culture of human rights;
(b) Promote the protection, development, and attainment of human rights; and
(c) Monitor and assess the observance of the conduct of human rights in the Federal Republic of Somalia.
(2) In accordance with the Constitution, the Human Rights Commission shall have powers to perform the following functions:
(a) To investigate and report on the observance of human rights;
(b) To take steps to secure appropriate redress where human rights have been violated;
(c) To carry out research; and
(d) To educate the public and state officials on international standards relating to human rights.
(3) The powers and the activities of the Human Rights Commission shall be stipulated in the Human Rights Commission Act.
… (Art. 111B) - Somali(1) Waa inuu jiraa Guddiga Xuquuqda Aadamiga oo loo xilsaaro:
(a) Horumarinta xushmeynta xuquuqdda aadmigga iyo dhaqanka xuquuqda aadamigga;
(b) Horumarinta ilaalinta, xoojinta iyo adkeynta xuquuqda aadmiga; iyo
(c) Baaritaanka iyo qiimeynta hab dhaqanka xuquuqda aadamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
(2) Guddiga Xuquuqdda Aadmiga: Iyadoo la tixraacayo Dastuurka, Guddiga Xuquuqda Aadmiga, wuxuu yeelahanayaa awood uu ku fuliyo hawlahan:
(a) Inay baaritaan ku sameeyaan, warbixina ka soo saaraan sida loogu dhaqmayo xuquuqdda aadmiga;
(b) Inay si ku habboon xal ugu raadiyaan meelaha lagu xad gudbay xuquuqda aadmiga;
(c) Inay cilmi baaris ku sameeyaan; iyo
(d) Inay cilmi wacyi gelin u sameeyaan dadweynaha iyo saraakiisha xukuumadda heerarka caalamiga ah ee ku saabsan xuquuqdda aadmiga.
(3) Awoodaha iyo hawaha ah ee Guddiga waa inuu ku dhignaadaa Sharciyadda Xuquuqda Aadmiga.
… (Qodobka 111Baad.)
National Human Rights Bodies
- English(1) The Federal Parliament shall establish a Human Rights Commission that is independent of State control, and has adequate resources to carry out its functions effectively.
(2) The functions of the Human Rights Commission shall include the promotion of knowledge of human rights, and specifically Shari’ah, setting implementation standards and parameters for the fulfillment of human rights obligations, monitoring human rights within the country, and investigating allegations of human rights violations. (Art. 41) - Somali(1) Baarlamaanka Federaalka ihi waa inuu dhisaa Guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka Dawladda, lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami leh ugu fuliyo hawlihiisa.
(2) Hawlaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha waa in ay ku jiraan horumarinta aqoonta xuquuqda Aadanaha iyo, gaar ahaan, Shareecada, asaga oo u dejinaaya halbeegyada dhaqangelinta lagu hirgelinaayo waajibaadka xuquuqda Aadanaha; dabagelidda xuquuqda Aadanaha ee dalka gudihiisa iyo baarista eedaha la xiriira xuquuqda aadanaha. (Qodobka 41aad.)
National Human Rights Bodies
- English
(1) There shall be established the Office of the Ombudsman.
…
(5) The Ombudsman shall:
(a) Investigate complaints regarding allegations or outright violations against basic rights and freedoms, abuse of power, unfair behavior, mercilessness, lack of clemency, indiscipline or disrespect towards a person that lives in Somalia by an officer who works at the various levels of government, an apparently unfair behavior, or act in a corrupt manner, or a behavior by an officer deemed as illegal by a democratic society or regarded as mischief or injustice.
… (Art. 111J) - Somali
(1) Waxaa la dhisayaa xafiiska Gardoonka Dadweynaha.
…
(5) Adeegaha Gardoorka Dadweynaha waa in uu:
(a) Baaraa cabashooyinka ku saabsan eedeyn ama xadgudub muuqda oo loo geysto xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah, ku-xadgudub awoodeed, hab-dhaqan caddaalad-darro, naxariis-darro, u-turid la’aan ama edeb-darro/ixtiraam la’aan ah oo qof deggan Soomaaliya uu kula kaco sarkaal Dawladda uga shaqeeya heerarkeeda kala duwan, hab-dhaqan uu ka muuqdo caddaalad darro, ama musuq-maasuq ama hab-dhaqanka sarkaalkaasi sameeyo oo bulsho dimuqraaddi ah ay si habboon ugu aragto in uu yahay mid sharci-darro, dulmi ama xaq-darro ah;
... (Qodobka 111J.)
Political Rights and Association
- EnglishEvery person has the right to associate with other individuals and groups. This includes the right to form and belong to organizations, including trade unions and political parties. It also includes the right not to associate with others, and a person cannot be forced to associate with any other individual or group. (Art. 16)
- SomaliQof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro qof kale ama koox. Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro ay ka mid yihiin ururro shaqaale ama xisbiyo siyaasadeed. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo inuu cid kale ku biiro. (Qodobka 16aad.)
Political Rights and Association
- English…
(5) Women must be included in all national institutions, in an effective way, in particular all elected and appointed positions across the three branches of government and in national independent commissions. (Art. 3) - Somali…
(5) Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, si wax-ku-ool ah, gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa la isu magacaabo ee saddexda laamood ee Dawladda iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka. (Qodobka 3aad.)
Political Rights and Association
- English(1) Every citizen has the right to take part in public affairs. This right includes:
(a) The right to form political parties and to participate in the activities of political parties; and
(b) The right to be elected for any position within a political party.
(2) Every citizen who fulfills the criteria stated in the law has the right to elect and to be elected.
(3) The rights stated in Paragraph (1) and (2) shall be exercised in accordance with this Constitution and a law enacted by the Federal Parliament. (Art. 22) - Somali(1) Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqa kan waxaa ka mid ah:
(a) Inuu samaysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed, kana qaybqaadan karo hawlihiisa;
(b) In xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta.
(2) Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.
(3) Xuquuqda ku xusan faqradaha (1) iyo (2) ee qodobkan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharci Baarlamaanku ansixiyo. (Qodobka 22aad.)
Political Parties
- EnglishThe regulations concerning political parties, their registration, elections at the Federal Government level and the National Independent Electoral Commission shall be defined in special laws enacted by the House of the People of the Federal Parliament of Somalia (Art. 47)
- SomaliShuruucda ku saabsan Xisbiyada, Diiwaangelintooda, Doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah iyo Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka, waxaa lagu qeexi doonaa shuruuc gaar ah oo uu soo saaro Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. (Qodobka 47aad.)
Electoral Bodies
- English(1) There shall be established a National Independent Electoral Commission, established under the Constitution. The National Independent Electoral Commission shall be independent of the executive and shall manage its own budget. The National Independent Electoral Commission shall be inclusive and representative and be impartial and neutral and shall not have more than nine members.
(2) The mandate of the National Independent Electoral Commission includes:
(a) The conduct of presidential elections;
(b) The conduct of Federal Parliament elections;
(c) The continuous registration of voters and revision of the voter’s roll;
(d) The registration of candidates for elections;
(e) The delimitation of constituencies and wards;
(f) The regulation of the political party system;
(g) The settlement of electoral disputes;
(h) The facilitation of the observation, monitoring and evaluation of elections;
(i) The regulation of money spent by an elected candidate or party in respect of any election;
(j) The development of an electoral code of conduct for its candidates and parties;
(k) The monitoring of compliance with legislation on nomination of candidates by parties; and
(l) Voter education.
(3) The Federal Parliament shall establish the National Independent Electoral Commission and the relevant legislation required to support it as a matter of priority. (Art. 111G) - Somali(1) Waa in la dhisaa Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka; taasoo loo tixraacayo Dastuurka. Guddiga waa inay guddigu ka madax banaanaadaan waaxda fulinta waana inay maamushaan maaliyadooda u gaarka ah. Guddiga waa in ahaataa mid loo dhan yahay, waana inay noqotaa dhexdhexaad waana inayna ka badnaan tiro sagaal xubnood ah.
(2) Masuuliyadaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka waxa ka mid ah:
(a) Inay maamulaan doorashooyinka Madaxweynaha
(b) Inay maamulaan dooorashooyinka Federaalka
(c) Inay si joogta ah u diiwaan geliyaancod-bixiyayaasha dib-u-eegisna ku sameeyaan xaashiyaha cod-bixiyayaasha
(d) Inay diiwaan geliyaan murashaxiinta doorashooyinka
(e) in ay xadidaan degaanada cod-bixineed
(f) Sharciyeynta habka xisbiyadda siyaasadda
(g) Xalinta khilaafyadda doorashooyinka
(h) Fududeynta kor-joogista, ilaalinta iyo qiimeynta doorashooyinka
(i) Sharciyeynta lacagaha ay isticmaalaan murashaxiinta ama xisbi marka ay doorasho jirto
(j) Sameynta hab dhaqanka murashaxiinta iyo xisbiyadda doorashooyinka
(k) Ilaalinta in lagu dhaqmo sharciyadda magacaabista murashaxiinta ee xisbiyadda siyaasadeed
(l) Waci gelinta cod-bixiyayaasha
(3) Baarlamaanka Federaaalka waa inuu sameeyaa Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka iyo sharciyadda loo baahan yahay inay taageeraan iyagoo siinaya ahmiyadda koowaad. (Qodobka 111 G.)
Head of State
- English(1) The Houses of the Federal Parliament shall elect the President of the Federal Republic of Somalia in a joint session, presided over by the Speaker of the House of the People of the Federal Parliament.
… (Art. 89) - Somali(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.
... (Qodobka 89aad.)