Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia 2012
Jurisdiction and Access
  • English
    (1) After the Shari’ah, the Constitution of the Federal Republic of Somalia is the supreme law of the country. It binds the government and guides policy initiatives and decisions in all sections of government.
    (2) Any law, or administrative action that is contrary to the Constitution may be invalidated by the Constitutional Court, which has the authority to do so in accordance with this Constitution. (Art. 4)
  • Somali
    (1) Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan.
    (2) Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaas ama tallaabadaas maamul, si waafaqsan Dastuurkan. (Qodobka 4aad.)
Jurisdiction and Access
  • English

    (1) Legislation that has been passed in accordance with the legislative procedure, as stipulated in this Chapter3, may be challenged only if it is alleged to contradict the Constitution.
    (2) Legislation that has been passed in accordance with the legislative procedure, as stipulated in this Chapter, may be challenged by:
    (a) All members of the Upper House of the Federal Parliament or one representative of a Federal Member State;
    (b) A third of the members of the House of the People of the Federal Parliament;
    (c) The Council of Ministers of the Federal Republic of Somalia; or
    (d) Ten thousand (10,000) or more registered voters.
    (3) Legislation that has been challenged, in accordance with Clause 1 and 2 of this Article, must be presented to, and decided upon, only by the Constitutional Court.
    … (Art. 86)

  • Somali

    (1) Sharci maray habraaca ansixinta sharciyada iyo dhaqangeliddaba waxaa lagu duri karaa oo keliya inuu ka soo horjeedo Dastuurka.
    (2) Sharci maray shuruudaha ku xusan cutubkan waxaa duri kara:
    (a) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, asagoo isu dhan ama ergo hal Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ka mid ah;
    (b) Saddax meelood meel ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka;
    (c) Golaha Wasiirrada Federaalka;
    (d) Ugu yaraan 10,000(toban kun) oo cod bixiye oo diiwaangashan.
    (3) Duridda sharci si waafaqsan faqradaha 1 iyo 2 ee qodobkan waxaa la horgeyn karaa go’aanna ka gaari karta Maxkamadda Dastuuriga ah oo keliya.
    … (Qodobka 86aad.)

Jurisdiction and Access
  • English
    ...
    2) If a case is presented before a court and the case concerns a constitutional matter, the court may refer the case to the Constitutional Court.
    (a) Any court with judicial powers can decide on whether a matter brought before it is a constitutional matter or not, if this will not contradict the exclusive powers of the Constitutional Court, as stipulated in Article 109C of the Constitution;
    (b) The Constitutional Court is the final authority in constitutional matters;
    (c) The Constitutional Court shall have sole jurisdiction on matters of interpretation of the Constitution which have not arisen out of court litigation;
    (d) Any individual or group, or the government may submit a reference application directly to the Constitutional Court on matters concerning the public interest.
    … (Art. 109)
  • Somali
    ...
    (2) Maxkamad haddii la horgeeyo dacwad oo ay sharci ahaan dacwadaas quseyso arin Dastuuri ah, maxkamadaasi waxay u celin kartaa dacwadaasi maxkamada Dastuuriga si ay uga gaarto go’aan:
    (a) Maxkamad walba oo awood Garsoor lihi wey go’aamin kartaa in arrini la hor keenay ay tahay mid dastuuri ah iyo in kale, mar haddii aanay ka hor imanayn awoodaha gaarka aah ee Maxkamadda Dastuurka sida kuxusan Qodobka 109C ee Dastuurka.
    (b) Maxkamadda Dastuurka ayaa ah garsooraha kama danbeysta ah ee arrimaha dastuurka;
    (c) Maxkamadda Dastuurka keliya ayaa leh awoodda garsoor ee qeexidda arrimaha dastuurka ee aan ka iman kiisaska maxkamadeed;
    (d) Shakhsi ama koox ama dawladdiba si toos ah ayeey ugu gudbin karaan maxkamadd Dastuurka codsi tixraac ah oo la xiriira arrimaha khuseeya danaha dadaweynaha.
    … (Qodobka 109aad.)
Jurisdiction and Access
  • English
    (1) The Constitutional Court shall have the following exclusive powers:
    (a) Upon request from a member of the Council of Ministers, a committee from either one of the Houses, or ten members of either House of the Federal Parliament, to review draft legislation, and determine its compatibility with the Constitution;
    (b) To hear and decide cases as stipulated in Article 86 concerning challenges to the constitutionality of a law passed by the Federal Parliament;
    (c) To hear and decide on cases that have been submitted to the Constitutional court resulting from matters stated in Article 109 (2) (c), concerning matters of interpretation of the Constitution not arising out of Court litigation;
    (d) To resolve any disputes between the Federal Government and the Federal Member State governments, or among the Federal Member State governments;
    (e) To hear and decide cases arising out of disputes between organs of the Federal Government, concerning their respective constitutional powers and duties;
    (f) To hear and decide cases arising in terms of Article 92 concerning the impeachment trials of the President.
    … (Art. 109C)
  • Somali
    (1) Maxkamadda Dastuurku waay yeelaneysaa awoodahan u garrka ah:
    (a) Marka uu codsi ka yimaaddo Xubin ka Mid ah Golaha Wasiirada, Guddi ka tirsan aqalada Baarlamaanka midkood, ama toban Xubnood oo ka mid ah Aqalada midkood,in ay Maxkamaddu qiimeyso qoraalka sharci la sameynayo, ayna go’aansato in sharcigaasi waafaqsan yahay Dastuurka;
    (b) In Maxkamaddu dhegeysato go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku cad Qodobka 86aad,oo la xidhiidha muran ka dhashay sida xeer uu u waafaqsan yahay dastuurka;
    (c) In maxkamaddu dhegeysato, go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku cad faqradda Qodobeedka 109(2)(c) kaasoo khuseeya in dhinac uu hor keenay maxkamad dood kiis macquul ah, kiiskaana loo gudbiyay Maxkamadda Dastuurka si ay go’aan uga gaadho.)
    (d) In ay go’aamiso khilaafyada u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada xubinta ka ah dawladda federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada federaalka dhexdooda.
    (e) In ay dhegeysato, go’aana ka gaadho Khilaafyada ka dhexeeya waaxaha Dawladda federaalka ah ee la xidhiidha awoodaha dastuuriga ah iyo waajibaadka ay kala leeyihiin; iyo
    (f) In ay dhegesato, go’aana ka gaadho Marka la eego Qodobka 92aad (oo la xidhiidha kiisaska denbiyada dastuur ee Madaxweynaha lagu soo oogo ee xil ka qaadista keeni kara
    … (Qodobka 109C.)
1

Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia 2012 (English). According to Art. 5: “The official language of the Federal Republic of Somalia is Somali (Maay and Maxaa-tiri), and Arabic is the second language.”

Links to all sites last visited 20 March 2024
3

Chapter 6 on the Federal Parliament.

4
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
5
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
6
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
7
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
8
Article 27 is entitled "Economic and Social Rights".
9
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
10
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
11
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.