Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia 2012
Political Rights and Association
  • English

    (5) Women must be included in all national institutions, in an effective way, in particular all elected and appointed positions across the three branches of government and in national independent commissions. (Art. 3)
  • Somali

    (5) Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, si wax-ku-ool ah, gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa la isu magacaabo ee saddexda laamood ee Dawladda iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka. (Qodobka 3aad.)
Political Rights and Association
  • English
    Every person has the right to associate with other individuals and groups. This includes the right to form and belong to organizations, including trade unions and political parties. It also includes the right not to associate with others, and a person cannot be forced to associate with any other individual or group. (Art. 16)
  • Somali
    Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro qof kale ama koox. Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro ay ka mid yihiin ururro shaqaale ama xisbiyo siyaasadeed. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo inuu cid kale ku biiro. (Qodobka 16aad.)
Political Rights and Association
  • English
    (1) Every citizen has the right to take part in public affairs. This right includes:
    (a) The right to form political parties and to participate in the activities of political parties; and
    (b) The right to be elected for any position within a political party.
    (2) Every citizen who fulfills the criteria stated in the law has the right to elect and to be elected.
    (3) The rights stated in Paragraph (1) and (2) shall be exercised in accordance with this Constitution and a law enacted by the Federal Parliament. (Art. 22)
  • Somali
    (1) Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqa kan waxaa ka mid ah:
    (a) Inuu samaysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed, kana qaybqaadan karo hawlihiisa;
    (b) In xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta.
    (2) Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.
    (3) Xuquuqda ku xusan faqradaha (1) iyo (2) ee qodobkan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharci Baarlamaanku ansixiyo. (Qodobka 22aad.)
Political Parties
  • English
    The regulations concerning political parties, their registration, elections at the Federal Government level and the National Independent Electoral Commission shall be defined in special laws enacted by the House of the People of the Federal Parliament of Somalia (Art. 47)
  • Somali
    Shuruucda ku saabsan Xisbiyada, Diiwaangelintooda, Doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah iyo Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka, waxaa lagu qeexi doonaa shuruuc gaar ah oo uu soo saaro Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. (Qodobka 47aad.)
Electoral Bodies
  • English
    (1) There shall be established a National Independent Electoral Commission, established under the Constitution. The National Independent Electoral Commission shall be independent of the executive and shall manage its own budget. The National Independent Electoral Commission shall be inclusive and representative and be impartial and neutral and shall not have more than nine members.
    (2) The mandate of the National Independent Electoral Commission includes:
    (a) The conduct of presidential elections;
    (b) The conduct of Federal Parliament elections;
    (c) The continuous registration of voters and revision of the voter’s roll;
    (d) The registration of candidates for elections;
    (e) The delimitation of constituencies and wards;
    (f) The regulation of the political party system;
    (g) The settlement of electoral disputes;
    (h) The facilitation of the observation, monitoring and evaluation of elections;
    (i) The regulation of money spent by an elected candidate or party in respect of any election;
    (j) The development of an electoral code of conduct for its candidates and parties;
    (k) The monitoring of compliance with legislation on nomination of candidates by parties; and
    (l) Voter education.
    (3) The Federal Parliament shall establish the National Independent Electoral Commission and the relevant legislation required to support it as a matter of priority. (Art. 111G)
  • Somali
    (1) Waa in la dhisaa Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka; taasoo loo tixraacayo Dastuurka. Guddiga waa inay guddigu ka madax banaanaadaan waaxda fulinta waana inay maamushaan maaliyadooda u gaarka ah. Guddiga waa in ahaataa mid loo dhan yahay, waana inay noqotaa dhexdhexaad waana inayna ka badnaan tiro sagaal xubnood ah.
    (2) Masuuliyadaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka waxa ka mid ah:
    (a) Inay maamulaan doorashooyinka Madaxweynaha
    (b) Inay maamulaan dooorashooyinka Federaalka
    (c) Inay si joogta ah u diiwaan geliyaancod-bixiyayaasha dib-u-eegisna ku sameeyaan xaashiyaha cod-bixiyayaasha
    (d) Inay diiwaan geliyaan murashaxiinta doorashooyinka
    (e) in ay xadidaan degaanada cod-bixineed
    (f) Sharciyeynta habka xisbiyadda siyaasadda
    (g) Xalinta khilaafyadda doorashooyinka
    (h) Fududeynta kor-joogista, ilaalinta iyo qiimeynta doorashooyinka
    (i) Sharciyeynta lacagaha ay isticmaalaan murashaxiinta ama xisbi marka ay doorasho jirto
    (j) Sameynta hab dhaqanka murashaxiinta iyo xisbiyadda doorashooyinka
    (k) Ilaalinta in lagu dhaqmo sharciyadda magacaabista murashaxiinta ee xisbiyadda siyaasadeed
    (l) Waci gelinta cod-bixiyayaasha
    (3) Baarlamaanka Federaaalka waa inuu sameeyaa Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka iyo sharciyadda loo baahan yahay inay taageeraan iyagoo siinaya ahmiyadda koowaad. (Qodobka 111 G.)
Head of State
  • English
    (1) The President of the Federal Republic of Somalia is:
    (a) The Head of the State of the Federal Republic of Somalia;

    (c) The guardian and promoter of the founding principles of the Constitution.
    (2) The President of the Federal Republic of Somalia shall carry out his duties in accordance with the Constitution and the other laws of the Federal Republic of Somalia. (Art. 87)
  • Somali
    (1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa:
    (a) Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;

    (c) Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi'da asaasiga ah ee Dastuurka.
    (2) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu xilkiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (Qodobka 87aad.)
Head of State
  • English
    Any citizen is eligible for the position of President of the Federal Republic of Somalia, as long as he or she meets the eligibility requirements of:
    (a) Being a Somali citizen and a Muslim;
    (b) Being not less than forty years of age;
    (c) Having relevant knowledge or experience for the role;
    (d) Having a sound mind; and
    (e) Not having been convicted by a court of a major crime. (Art. 88)
  • Somali
    Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Muwaaddin kasta oo:
    (a) Muwaadin Soomaali, Muslim ah;
    (b) Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (40) sano;
    (c) Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas;
    (d) Dhimirkiisu dhan yahay;
    (e) Gelin denbi culus oo ay maxkamadi xukuntay. (Qodobka 88aad.)
Head of State
  • English
    (1) The Houses of the Federal Parliament shall elect the President of the Federal Republic of Somalia in a joint session, presided over by the Speaker of the House of the People of the Federal Parliament.
    … (Art. 89)
  • Somali
    (1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.
    ... (Qodobka 89aad.)
Government
  • English
    The powers and responsibilities of the President of the Federal Republic of Somalia are to:

    (d) Appoint the Prime Minister, and to dissolve the Federal Government if it does not get the required vote of confidence from the House of the People of the Federal Parliament by a simple majority (50% +1);
    … (Art. 90)
  • Somali
    Awoodaha iyo xilka Madaxweynaha waxaa ka mid ah:

    (d) Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).
    … (Qodobka 90aad.)
Government
  • English
    (1) The executive power of the Federal Government shall be vested in the Council of Ministers, in accordance with the Constitution.
    (2) The Council of Ministers is the highest executive authority of the Federal Government and consists of the Prime Minister, the deputy prime minister (s), ministers, state ministers and deputy-ministers.
    (3) The Prime Minister shall appoint deputy prime ministers, ministers, state ministers, and deputy ministers. Those eligible for membership of the Council of Ministers may be, but shall not be limited to, members of the House of the People of the Federal Parliament.
    … (Art. 97)
  • Somali
    (1) Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh Golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman.
    (2) Golaha Wasiirradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarraya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiirro, Wasiirro-Dawlayaal iyo Wasiirro-ku-Xigeenno.
    (3) Ra’iisul-wasaarahu wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiirroDawlayaal iyo wasiirro-ku-xigeeno. Golaha Wasiirrada waa ay ka iman karaan xubin ka mid ah Golaha Shacabka iyo xubin aan ka mid aheyn Golaha Shacabkaba.
    … (Qodobka 97aad.)
Government
  • English
    (1) The person holding the office of the Prime Minister or Deputy Prime Minister must:
    (a) Not be below the age of forty (40) years; and
    (b) Have a university-level education.
    (2) The person being appointed as Minister, State Minister or Deputy-Minister must:
    (a) Not be below the age of thirty (30) years; and
    (b) Have university-level education.
    … (Art. 98)
  • Somali
    (1) Qofka qabanaaya xilka Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa:
    (a) Waa in aan da’diisu ka yaraan afartan (40) sano;
    (b) Waa in Aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.
    (2) Qofka loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir Dawlo ama Wasiir-ku-xigeen:
    (a) Waa inaan da’diisu ka yaraan soddon (30) sano;
    (b) Waa in aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.
    … (Qodobka 98aad.)
Legislature
  • English
    (1) The Federal Parliament of the Federal Republic of Somalia consists of:
    (a) The House of the People; and
    (b) The Upper House.
    … (Art. 55)
  • Somali
    (1) Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay:
    (a) Golaha Shacabka, iyo
    (b) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
    … (Qodobka 55aad.)
Legislature
  • English
    (1) In order to be eligible for membership of the Federal Parliament of the Federal Republic of Somalia, a person must:
    (a) Be a citizen of the Federal Republic of Somalia, of sound mind, not younger than 25, and a registered voter;
    (b) Not have had their citizenship suspended by a court order in the last five (5) years;
    (c) Have a minimum of secondary education or equivalent experience.
    … (Art. 58)
  • Somali
    (1) Qofka loo dooranayo xubinnimadda Baarlamaanka Federaalka waa in:
    (a) uu yahay Muwaaddin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dhimirkiisu dhan yahay, da'diisuna aanay ka yarayn shan iyo labaatan (25) sano, codbixiye ahaanna u diiwaangashan;
    (b) aan xuquuqdiisa muwaaddinnimo go’aan maxkmadeed lagu hakin shantii (5) sano ee ugu dambaysey;
    (c) uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo’aragnimo u dhiganta.
    … (Qodobka 58aad.)
1

Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia 2012 (English). According to Art. 5: “The official language of the Federal Republic of Somalia is Somali (Maay and Maxaa-tiri), and Arabic is the second language.”

Links to all sites last visited 20 March 2024
3

Chapter 6 on the Federal Parliament.

4
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
5
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
6
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
7
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
8
Article 27 is entitled "Economic and Social Rights".
9
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
10
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.
11
Chapter 2 on Fundamental Rights and the Duties of the Citizen.