SEARCH DATABASE
The Global Gender Equality Constitutional Database is a repository of gender equality related provisions in 194 constitutions from around the world. The Database was updated in partnership with the International Bar Association's Human Rights Institute (IBAHRI) and with support from the Swedish International Development Agency (SIDA) and the Government of Japan. Experience its wealth and depth of information by starting your search now.
ABOUT 79 RESULTS
Jurisdiction and Access
Somalia
- English(1) After the Shari’ah, the Constitution of the Federal Republic of Somalia is the supreme law of the country. It binds the government and guides policy initiatives and decisions in all sections of government.
(2) Any law, or administrative action that is contrary to the Constitution may be invalidated by the Constitutional Court, which has the authority to do so in accordance with this Constitution. (Art. 4) - Somali(1) Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan.
(2) Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaas ama tallaabadaas maamul, si waafaqsan Dastuurkan. (Qodobka 4aad.)
Jurisdiction and Access
Somalia
- English(1) The Constitutional Court shall have the following exclusive powers:
(a) Upon request from a member of the Council of Ministers, a committee from either one of the Houses, or ten members of either House of the Federal Parliament, to review draft legislation, and determine its compatibility with the Constitution;
(b) To hear and decide cases as stipulated in Article 86 concerning challenges to the constitutionality of a law passed by the Federal Parliament;
(c) To hear and decide on cases that have been submitted to the Constitutional court resulting from matters stated in Article 109 (2) (c), concerning matters of interpretation of the Constitution not arising out of Court litigation;
(d) To resolve any disputes between the Federal Government and the Federal Member State governments, or among the Federal Member State governments;
(e) To hear and decide cases arising out of disputes between organs of the Federal Government, concerning their respective constitutional powers and duties;
(f) To hear and decide cases arising in terms of Article 92 concerning the impeachment trials of the President.
… (Art. 109C) - Somali(1) Maxkamadda Dastuurku waay yeelaneysaa awoodahan u garrka ah:
(a) Marka uu codsi ka yimaaddo Xubin ka Mid ah Golaha Wasiirada, Guddi ka tirsan aqalada Baarlamaanka midkood, ama toban Xubnood oo ka mid ah Aqalada midkood,in ay Maxkamaddu qiimeyso qoraalka sharci la sameynayo, ayna go’aansato in sharcigaasi waafaqsan yahay Dastuurka;
(b) In Maxkamaddu dhegeysato go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku cad Qodobka 86aad,oo la xidhiidha muran ka dhashay sida xeer uu u waafaqsan yahay dastuurka;
(c) In maxkamaddu dhegeysato, go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku cad faqradda Qodobeedka 109(2)(c) kaasoo khuseeya in dhinac uu hor keenay maxkamad dood kiis macquul ah, kiiskaana loo gudbiyay Maxkamadda Dastuurka si ay go’aan uga gaadho.)
(d) In ay go’aamiso khilaafyada u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada xubinta ka ah dawladda federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada federaalka dhexdooda.
(e) In ay dhegeysato, go’aana ka gaadho Khilaafyada ka dhexeeya waaxaha Dawladda federaalka ah ee la xidhiidha awoodaha dastuuriga ah iyo waajibaadka ay kala leeyihiin; iyo
(f) In ay dhegesato, go’aana ka gaadho Marka la eego Qodobka 92aad (oo la xidhiidha kiisaska denbiyada dastuur ee Madaxweynaha lagu soo oogo ee xil ka qaadista keeni kara
… (Qodobka 109C.)
Obligations of the State
Somalia
- English(1) Human dignity is given by God to every human being, and this is the basis for all human rights.
(2) Human dignity is inviolable and must be protected by all.
(3) State power must not be exercised in a manner that violates human dignity. (Art. 10) - Somali(1) Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa.
(2) Karaamada Aadanaha waa laguma-xadgudbaan, dhawristeeduna waa waajib saaran dadka oo dhan.
(3) Awoodda Dawladda waa in aan marnaba loo isticmaalin meel-uga-dhicid karaamada Aadanaha. (Qodobka 10aad.)
Obligations of the State
Somalia
- English...
(4) The Constitution of the Federal Republic of Somalia promotes human rights, the rule of law, general standards of international law, justice, participatory consultative and inclusive government, the separation of powers between the legislature, executive and an independent judiciary, in order to ensure accountability, efficiency and responsiveness to the interests of the people.
… (Art. 3) - Somali...
(4) Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirri-gelinayaa xuquuqda Aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.
… (Qodobka 3aad.)
Obligations of the State
Somalia
- English...
(4) The recognition of the fundamental rights set out in this Chapter does not deny the existence of any other rights that are recognized or conferred by Shari’ah, or by customary law or legislation to the extent that they are consistent with the Shari’ah and the Constitution. (Art. 40) - Somali…
(4) Xuquuqda asaasiga ah ee ku xusan Cutubkan kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale ee Shareecada Islaamku jideysey iyo xeer-dhaqameedka la jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka. (Qodobka 40aad.)
Obligations of the State
Somalia
- English(1) The law shall provide for adequate procedures for redress of violations of human rights.
… (Art. 39) - Somali(1) Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu saxayo xadgudubyada xaquuqda Aadanaha.
… (Qodobka 39aad.)
Obligations of the State
Somalia
- English…
(5) It shall be ensured that women, the aged, the disabled and minorities who have long suffered discrimination get the necessary support to realize their socio-economic rights. (Art. 27) - Somali…
(5) Waa in lahubiyaa in dumarka, dadka da’da, naafada iyo dadka laga tiro badan yahay oo taariikhiyan latakoori jiray inay helaan kaalmo gaar ah si ay ugaaraan xuquuqdooda dhaqan – dhaqaale. (Qodobka 27aad.)
Obligations of the State
Somalia
- English(1) The fundamental rights and freedoms recognized in this Chapter4 shall always be respected in the making and application of the law. Likewise, they must be respected by all individuals and private organisations, as well as by every state institution and state official as they carry out their official functions.
(2) It is the responsibility of the state not only to ensure it does not violate rights through its actions, but also to take reasonable steps to protect the rights of the people from abuse by others.
(3) The rights recognized in this Chapter may be limited only by a law as provided for in Article 38. (Art. 12) - Somali(1) Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda lagu aqoonsaday qaybtan waa in la dhowraa marka kasta oo sharci la dejinayo lana fulinayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha Dawladdu marka ay gudanayaan xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah.
(2) Waajibaadka Dawladdu kuma koobna in ay dhawrto xuquuqda dadka, balse waa in ay qaaddo tallaabooyin maangal ah oo lagu ilaalinayo in xadgudub uga yimaado cid kale.
(3) Xuquuqda lagu aqoonsaday cutubkan sharci uun baa lagu xaddidi karaa sida ku xusan Qodobka 38. (Qodobka 12aad.)
Obligations of Private Parties
Somalia
- English(1) The fundamental rights and freedoms recognized in this Chapter5 shall always be respected in the making and application of the law. Likewise, they must be respected by all individuals and private organisations, as well as by every state institution and state official as they carry out their official functions.
… (Art. 12) - Somali(1) Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda lagu aqoonsaday qaybtan waa in la dhowraa marka kasta oo sharci la dejinayo lana fulinayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha Dawladdu marka ay gudanayaan xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah.
… (Qodobka 12aad.)
Judicial Protection
Somalia
- English(1) When interpreting the rights set out in this Chapter6, a court shall take an approach that seeks to achieve the purposes of the rights and the values that underlie them.
(2) In interpreting these rights, the court may consider the Shari'ah, international law, and decisions of courts in other countries, though it is not bound to follow these decisions.
(3) When interpreting and applying the law generally, a court or any tribunal shall consider the relevance of the provisions of this Chapter, and make its decisions compatible with these provisions, as far as is possible.
(4) The recognition of the fundamental rights set out in this Chapter does not deny the existence of any other rights that are recognized or conferred by Shari'ah, or by customary law or legislation to the extent that they are consistent with the Shari'ah and the Constitution. (Art. 40) - Somali(1) Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan qaybtan waa in maxkamaddu ay raadiso qeexidda ujeeddooyinka laga leeyahay xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin.
(2) Fasiraadda xuquuqdan waxay maxkamaddu tixgelineysaa Shareecada, qaanuunka caalamiga ah iyo go’aannada maxkamadaha dalal kale, inkasta oo ayan qasab ku ahayn inay raacdo go’aannadooda.
(3) Marka guud ahaan sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinaayo, maxkamad kasta ama xeer-beegti waa in ay tixgelisaa muhiimmada qodobbada Cutubkan, intii suurtagal ahna go’aannadooda ka dhigaan kuwo la socon kara qodobbadaasi.
(4) Xuquuqda asaasiga ah ee ku xusan Cutubkan kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale ee Shareecada Islaamku jideysey iyo xeer-dhaqameedka la jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka. (Qodobka 40aad.)