SEARCH DATABASE
The Global Gender Equality Constitutional Database is a repository of gender equality related provisions in 194 constitutions from around the world. The Database was updated in partnership with the International Bar Association's Human Rights Institute (IBAHRI) and with support from the Swedish International Development Agency (SIDA) and the Government of Japan. Experience its wealth and depth of information by starting your search now.
ABOUT 79 RESULTS
Participation in Public Life and Institutions
Somalia
- English
(1) Every citizen has the right to take part in public affairs.
… (Art. 22) - Somali
(1) Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha.
… (Qodobka 22aad.)
Participation in Public Life and Institutions
Somalia
- English…
(5) Women must be included in all national institutions, in an effective way, in particular all elected and appointed positions across the three branches of government and in national independent commissions. (Art. 3) - Somali…
(5) Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, si wax-ku-ool ah, gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa la isu magacaabo ee saddexda laamood ee Dawladda iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka. (Qodobka 3aad.)
Property, Inheritance and Land Tenure
Somalia
- English(1) Land is Somalia’s primary resource and the basis of the people’s livelihood.
(2) Land shall be held, used and managed in an equitable, efficient, productive and sustainable manner.
(3) The Federal Government shall develop a national land policy, which shall be subject to constant review. That policy shall ensure:
(a) Equity in land allocation and the use of its resources;
(b) The guarantee of land ownership and registration;
(c) That land is utilised without causing harm to the land;
(d) That any land and property dispute is resolved promptly and satisfactorily for all;
(e) That the amount of land that a person or a company can own is specified;
(f) That the land and property market is regulated in a manner that prevents violations of the rights of small land owners; and
(g) That the Federal Member States may formulate land policies at their level.
(4) No permit may be granted regarding the permanent use of any portion of the land, sea or air of the territory of the Federal Republic of Somalia. The Federal Parliament shall enact a law regulating the size, timeline and conditions of permits of land use.
(5) The Federal Government, in consultation with the Federal Member States and other stakeholders, shall regulate land policy, and land control and use measures. (Art. 43) - Somali(1) Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka.
(2) Dhulka waa in loo haystaa, loo adeegsadaa, loona maamulaa si caddaalad ah, waxtar leh, waxsoosaar waarana leh.
(3) Dawladda Federaalku waa inay dejiso siyaasad dhuleed oo heer qaran ah oo si joogto ah dib-u-eegis loogu sameeyo. Siyaasaddaasi waa in ay xaqiijiso:
(a) U sinnaanshaha fursadaha helitaanka dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa ;
(b) Damaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta;
(c) Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan Mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyadoon dhibaato loo geysan.
(d) In si degdeg ah oo lagu wada qanci karo loo xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
(e) In la xaddido dhulka uu qof ama shirkadi yeelan karaan;
(f) In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.
(g) Dawladaha Xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay dejinayaan siyaasad-dhuleed oo heerkooda ah.
(4) Lama bixin karo ruqsad la xiriirta isticmaalka abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sharci Baarlamaanka Federaalku soo saaro ayaa xaddidaya baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalkooda.
(5) Dawladda Federaalku iyadoo la tashaneysa Dawladaha xubinta ka ah Federaalka iyo ciddii kale oo ay quseyso, waxay dejineysaa siyaasadda dhulka iyo qaab lagu koontaroolo, laguna isticmaalo dhulka. (Qodobka 43aad.)
Property, Inheritance and Land Tenure
Somalia
- English(1) Every person has the right to own, use, enjoy, sell, and transfer property.
… (Art. 26) - Somali(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, ku naalloodo, iskana gado ama iska wareejiyo markuu doono.
… (Qodobka 26aad.)
Protection from Violence
Somalia
- English(1) Every person has the right to personal liberty and security.
(2) Every person has the right to personal security, and this includes: the prohibition of illegal detention, all forms of violence, including any form of violence against women, torture, or inhumane treatment.
(3) Every person has the right to physical integrity, which cannot be violated. No one may be subjected to medical or scientific experiments without their consent or, if a person lacks the legal capacity to consent, the consent of a near relative and the support of expert medical opinion.
(4) Female circumcision is a cruel and degrading customary practice, and is tantamount to torture. The circumcision of girls is prohibited.
(5) Abortion is contrary to Shari’ah and is prohibited except in cases of necessity, especially to save the life of the mother. (Art. 15) - Somali(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabagelyada qofnimadiisa.
(2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay amaan shaqsiyadeed waxaa ka mid ah: ka-reebanaan xarig aan sharciga waafaqsaneyn, waxaa kaloo xorriyadda qofnimo ka mid ah ka-reebanaan wax kasta oo cunfi ah, oo ay ka mid tahay wax kasta oo cunfi ah oo lagula kaco haweenka. Qofna looma geysan karo jirdil, fal bini’aadantinamada ka baxsan.
(3) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay badqabka jirkiisa waana laguma xad gudbaan. Qofna laguma qasbi karo in lagu sameeyo tijaabo takhtareed ama mid cilmibaariseed, haddii qofka ama xigtadiisa dhowi aynan oggolaanin islamarkaasina aysan jirin talo uu bixiyey xeeldheere caafimaad marka uusan qofku sharciyan awood u lahayn inuu wax oggolaado.
(4) Gudniinka gabdhaha waa caado naxariis-darro iyo xaqiraad u dhiganta jirdil. Gudniinka gabdhaha waa reeban yahay.
(5) Soo rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjeedda Shareecada Islaamka, waana reebban tahay, haddii aan ka ahayn xaalad caafimaad aan looga maarmin badbaadinta nolosha hooyada. (Qodobka 15aad.)
Protection from Violence
Somalia
- EnglishA person may not be subjected to slavery, servitude, trafficking, or forced labour for any purpose. (Art. 14)
- SomaliSinaba qof looma addoonsan karo, midiidin lagama dhigan karo, lagama ganacsan karo, qasabna looguma shaqaysan karo. (Qodobka 14aad.)
Protection from Violence
Somalia
- English…
(2) Every child has the right to be protected from mistreatment, neglect, abuse, or degradation.
…
(6) Every child has the right to be protected from armed conflict, and not to be used in armed conflict.
... (Art. 29) - Somali…
(2) Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan.
...
(6) Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan.
... (Qodobka 29aad.)
Public Institutions and Services
Somalia
- English(1) This Constitution establishes the Review and Implementation Commission as a Commission subject to the overall direction of the Oversight Committee in accordance with Article 133.
...
(3) The relevant Minister shall select as a nominee a person, not a member of the Federal Parliament, who meets the following criteria for appointment to the Review and Implementation Commission:
(a) Has a good moral character and reputation;
(b) Possesses a degree from a recognized university;
(c) Has demonstrated competence at high levels of public administration or law in Somalia;
(d) Has knowledge and experience of at least ten years in matters relating to one or more of the following fields:
1. Law;
2. Public administration;
3. Economics;
4. Gender;
5. Human rights.
(e) Has had a distinguished career in the nominee's respective field; and
(f) Has extensive legislative drafting experience.
… (Art. 134) - Somali(1) Dastuurkani waxaa uu abuurayaa Guddiga ee dib-u-eegista iyo Hirgalinta iyaga oo ah guddi hoos tagaya guddida la socodka hab waafaqsan qodobka 133.
…
(3) Wasiirka u xilsaaran waxaa uu dooran doonaa magacaabista qof aan xubin baarlamaan ahayn, kaasoo buuxiya shuruudaha soo socda oo lagu magacaabayo Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta:
(a) Leh anshax iyo sumcad wanaagsan;
(b) Shahaado ka sita jaamacad la aqoonsan yahay ;
(c) Ku muujiyey karti heerar sare dhinaca maamulka dadweynaha ama xagga sharciga ee Soomaliya dhexdeeda, ama
(d) In uu u leeyahay aqoon iyo khibrad ugu yaraan toban sanno arrimo la xiriira mid ka mid ah kuwa soo socda:
1. Sharciga,
2. Maamulka dadweynaha,
3. Dhaqaalaha,
4. Jinsiga,
5. Xuquuqda Aadanaha, iyo
(e) In uu shaqo wanaagsan ka soo qabtay shaqadiisa ama majaalka uu ku takhasusay qofka la magacaabay.
(f) In uu leeyahay waaya-aragnimo badan oo la xiiriita sharci qorista.
… (Qodobka 134aad.)
Public Institutions and Services
Somalia
- EnglishThe civil service at all levels of government is a pledge to serve the people and shall be based on the values of the constitution, compassion, transparency, community service, respect for administrative hierarchy, obedience, confidentiality, work ethics, efficiency, effectiveness, professionalism protect principles of fairness, equality and best practices. (Art. 115)
- SomaliShaqada rayidka ee heerarka kala duwan ee xukuumadda waa amaano ummadda loogu adeego waana in ay ku saleeysnaataa qiyamka Dastuurka, naxariis, daahfurnaan, u-adeegga bulshada iyo dhawrista ku kala dambeynta darajooyinka maamul, dhegonugayl, sirxajin, asluub-wanaag shaqo, howlkarnimo, waxa-ku-ool ah, mihnadyahannimo, dhawrista Mabaadi’da caadaaladda, sinnaan iyo habka xilgudashada ugu habboon. (Qodobka 115aad.)
Public Institutions and Services
Somalia
- English(1) Marriage is the basis of the family, which is the foundation of society. Its protection is a legal duty of the state.
(2) Mother and child care is a legal duty of the state.
... (Art. 28) - Somali(1) Guurku waa aasaaska qoyska oo ah saldhigga bulshada, ilaalintiisuna waa waajib sharci ah oo saaran Dawladda.
(2) Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka waa waajib saaran Dawladda.
... (Qodobka 28aad.)